Skip to main content

ERAYO SAAMAYN KUGU YEELANAYA


Qofwalba waa uu arki karaa farxada qofka kale balse caaqiliinta oo kaliya ayaa dareemi kara murugta ku qarsoon.

Marwalba oo aad aragto qof faraxsan ha u malayn in uu mabsuud yahay balse dareen oo indhaha qalbiga ku eeg xaalada uu qofkaasi ku jiro, inta badan dadku ma fahmaan afcaasha iyo dareemayaasha kasoo muuqanaya bani aadanka.

U fekar si caqliyaysan si aad u ogaato waxa kaa qarsoon.

Comments