Skip to main content

MAANSO: DARDAARAN

Horumarka noloshaadiyo hiigso meel sare 

Haku hungoobin meel madhan 

Hadh ha moodin hosiiskee hore u soco waligaa

Hammiga noloshuna ma aha wax dhamade 

Ha iska hagran maskaxdiyo caqligee 

Hiisho eeboo ha hawl yarysan wakhtiga 

Hanti iyo maal waxad heysataa waa ayaame 

Xasuusnaw aakhiro,  aduunyadu waa Harraadiyo 

Oon aan dhaman baahi weeyi bani adanka ku lamaano ma istagto waligeede Ha u jabin cadawaha ibliiskiyo xasadka shaydaane 

Ka adkaw naftaada, Xisaab waa danbaysaaye.

Aduunyadu waa sagaalo sinaan mele abid 

Waana sunsumayaa wakhtiguye 

Intaad sanado nooshahee haysato cimri 

Ka sahay qaado u samir nolosha 

Sibiq wax looma qaate fahanku yaanu kugu yaraan Ha saluugin nolosho aayar ha sii dayn 

Subax waliba arsaaqded lehe 

Ha qiimo tirin naftaado sharaftada Ha tuurine 

Ku mintid sharciga islaamkiyo diintena macaan 

Xishoodku waa dahab edabtiyo asluubtuna hibo eebe weeyo lama sameeyoo Hantina ma goysee Ha sii dayn weligaa 

Quruxdii eebee asal kuu ahayd Ha iska Gadinoo

Ha siisan diraahim waa ayaamo noloshuye

Qarnigan aan joognana qiimo malaha aduune   

Yaan lagu qaldinoo karkaarka lagu waydaarin 

Dibnihiyo carrabkaagana ka ilaali danbigoo 

Dawan yaan laguu tumin 

Asturnaantay qiimo Ku leedahay noloshuye 

Quruxdiyo jidhkaaga Dadoo Ha u ban dhigin 

Bani adankaa Baahida kuu qaba 

Danbigoo dhan carrabka hogaamiyo xubnuhu

Dhamaan kaga Daydaane ka dhawrsoo 

Daacada alle Ku toosnow.


Erayada: BarkhadHassan

23_September_2016



 

Comments