Skip to main content

MAANSO: HORSEED DUMAR

 

Horseed dumarbaa tahay

Hadal dabacsanantiyo naxariista

Huga kuu ah Haybad wacanbad

Haween Ku dhaafto Habsamida dhaqankiyo

Hiilka waalidkiyo Hawlkarnimadaa

Hibo eebe kuu siiyo Qof loo 

Hilooba tahee rabi kuu hirgali 

Hammigaad qorshayse Hadaf kuu ah Nolosha.


Horseed dumarbaa tahay

Qurux Haldhaa iyo daa'uus mid

Hantidaa Tahay adigu dhamays waxaa tahay

Hubqaad wacanoo ragba Halkad Joogtay

Hayaan uguso jiraan Hal eray ruuxad tidhaana

Hogol daroortad sideedi u qoysa kashiiso ma

Hadhsado jacayl ma Hurdo daraada Hodaney

Hoy qof lala degaa tahay kalgacayl lagu

Habaa tahay Hoobaan bislaato nafta lagu qabooja tahay Horseed dumarbaa tahay  Hodaney Hilinka Guusha tahay.


Horseed dumarbaa tahay

Hanka ruux ka deeqasiyaa tahay

Hodanbad ku tahay Gobonimada

Cisi iyo sharafbaad ku Hagoogantahoo

Magan ruuxa kaa Helaana 

Hilmaan Rafaadku soo maray.


Horseed dumarbaa tahay

Hoodalay waxad tahay ayaan badan ma

Hiiftid ruuxii ku doonto naftiisuyo

Halbeega carabkaagan lihi ma

Hareer maro erayada Hawraarta wacaniyo

Murtida intii Haboon si Hufan baad u tidhaa.


Horseed dumarbaa tahay

Nolosha qof Heetiyo Haleelen Duruufuhu

Gargaar mid u Hurtaa tahay

Hanfigiyo dhibaatada Holoca ka baxaayana

Way ku Huriyaan Adigoo Hodaney 

qalbi damqadad Haysata Adigu.


Horseed dumarbaa tahay 

Hormuudbad u tahay Haweenko aqoonta ku

Hagaysaad ku dhaaftay Qayrkaa inta duni

Halawdee dhalin la Halaage

Hagardaamo Dhacaysana rabibaa kaa 

Hadeeyo kugu Hagaajay Diinte

Hadafkaaga aakhiro ka yeel

Hoygaaga diin ka yeel Hubkaga iiman ka yeel 

Ku Hammi firdawsiyo Halka aakhiro uroon.


Erayada: Barkhad Hassan

Date:- 19/08/2019

Comments

Halkan Ka Eeg Wixii Ugu Danbeeyay

HA IS DHIIBIN MARNABA

  Noloshu waxa ay u baahantahay halgan, dhabar adayg iyo adkaysi marwalba oo aad natiijooyinka hadafkaaga usii dhawaatana waxaa badanaya caqabadaha iyo marxaladaha adag ee aad nolosha kala kulmayso isla wakhtigaasna waxaa lagaaga baahanyahay in aad dadaalka sii laba jibaarto oo aanad is dhiibin, raadinta guusha ama rumaynta riyooyinku maaha wax sahlan waxaa dhici karta in aad talaabada koowaadba ku guul darraysato yoolkaaga ama waji kale aad kala kulanto nolosha wakhtigaasina waa marka aad u baahantahay samirka, dulqaadka, awooda iyo dhabar adayga guul darraduna waa jaran jarada aad ku gaadhayso guusha iyo hadafkaaga. Marnaba ha is dhiibin ee halgan si aad u rumayso yoolkaaga iyo riyooyinka aad ku hamminayso in aad rumayso. Dadka qaar marka ay guuldarraystaan waxa ay miciin bidaan calaacal, murugo iyo niyad jab waana ay ka samraan hadafkii ay dhibta badan usoo mareen oo waxa ay isku dhiibaan meel u dhaw rumawga hadafkaas Isla markaana ayba ka xigtay talaabo kaliya oo u baahnayd in ...