Skip to main content

MAANSO: Miyaanad Ogayn Inaan Ka Dawoobay Caashaqa

Inanyahay dabadaa haweenkaba waan ka durkaayo 

Dibnahaba uma furo Iguma duxo hadalkodu 

Dafdaftii horiyo waan daayay dookh raadiso

Mar hadad i dagtay marlabad dabin Ku dhici maayo

Digtooniban qabayo danaysatan iska difacaye

Miyaanad ogayn inan ka dawoobay cashaqa 


Dorraad khaladkii dhacay dulqaadkan u lahaa 

Damiirka diiday maanto Duugi maayo noloshayda 

Kurbo Disha Maankaygana Ku Doorsan mayo farxdayde

Keliniman door bidee Miyanad ogayn inan ka dawobay cashaqa  


Qalbigan dawobee dihaalki ka raystay 

Damqashan ka dhawrayo 

Sidi dhalaan an dibad baran waan daryeelayo

Dakhar labad la doonan maaye 

Miyanad ogayn inan ka dawoobay cashaqa 


Walee mid igu dan gaadha naftayda dulaysa 

Duruuf aan jirin kuso darta wayaha noloshayda 

Kelmad usii dayn maayo waan ka daboolan afko 

Daqiiqad siin maaye Miyanad ogayn inan ka dawoobay cashaqa 


Dunidan halawdee Daadahayso Gaaladu 

Dariiqoda mid raacda Facebook laga dugaashado 

WhatsApp dul meeraran lagu daldalaayo beenta 

Caqligeed dabri waayay diintana haleeli wayday 

Daacadnimo dugsan wayday waan ka daalay aniguye

Miyanad ogayn inan ka dawoobay cashaqa 


Sooyaalka taarikhda cilmi wixii dilay 

Hodan ka daba geeyay Ku dayan maayo 

Aniguyo anon doonayn jacayl diyaarna u ahayn 

Qof dar-alle u fayow Ku daari mayo 

Dareen aan jirin ku abuuri maayo

Nabsi inan dusha saarto awodi maaye 

Miyanad ogayn inan ka dawoobay cashaqa 


Dignintayda qaado dardaarankayga dhagayso 

Dumarbaa tahay u dooran sharafo 

Dadku waxay kugu qiimeyan hilib bisil inad tahee 

Yaan lagu duufsano dabin yaan laguu dhigin 

Danta noloshadiyo aayahaga danbana dadaalkoda 

Beegso danbigan aad galaysiyo nafsigan aad daydayanayso diintada macan ha uga baydhino

Ha dumin noloshadan dhisane dib u day naftaada 

Dunidan halawdayna dariiqeda ha aadine 

Ducada walidkagiyo duruustod baratiyo 

Cilmi duxa qalbigaga u dooro noloshada

_________________________________________________

Erayada: Barkhad Hassan


Comments