Skip to main content

JACAYLKA

Jacaylku waa maandooriye ay la dhibaataysanyihiin dad badan run ahaantii qaar badan doqoniimo ayuu u horseeday qaarkale doqoniimada waa looga hiiliyay qaarkalena noloshooda ayuu qurxiyay, qofwalba habka uu u waajaho ayuu jacaylku u saameeyaa.
Dadka qaar kamid ahi waxay u adeegsadaan hub ay ku dhaawacaan kuna burburiyaan qalbiyada daacada ah, nolosha dad iyaga aaminay oo ka sugayay daryeel iyo naxariis.
Dadka qaarkale oo kamid ahina waxay u adeegsadaan dawo ahaan dad ayay qalbiyadooda ku dhayaan qaarkalena dhaawacyo ay hore ulasoo kulmeen ayay kaga daweeyaan nolol qurux badan ayay ku dhisaan hiraal iyo waxay leeyihiin hammi kuwa qalbiyada daacada ah lihina dhankooda ayay usoo hayaamayaan. 

Comments

Post a Comment

Halkan Ka Eeg Wixii Ugu Danbeeyay

HA IS DHIIBIN MARNABA

  Noloshu waxa ay u baahantahay halgan, dhabar adayg iyo adkaysi marwalba oo aad natiijooyinka hadafkaaga usii dhawaatana waxaa badanaya caqabadaha iyo marxaladaha adag ee aad nolosha kala kulmayso isla wakhtigaasna waxaa lagaaga baahanyahay in aad dadaalka sii laba jibaarto oo aanad is dhiibin, raadinta guusha ama rumaynta riyooyinku maaha wax sahlan waxaa dhici karta in aad talaabada koowaadba ku guul darraysato yoolkaaga ama waji kale aad kala kulanto nolosha wakhtigaasina waa marka aad u baahantahay samirka, dulqaadka, awooda iyo dhabar adayga guul darraduna waa jaran jarada aad ku gaadhayso guusha iyo hadafkaaga. Marnaba ha is dhiibin ee halgan si aad u rumayso yoolkaaga iyo riyooyinka aad ku hamminayso in aad rumayso. Dadka qaar marka ay guuldarraystaan waxa ay miciin bidaan calaacal, murugo iyo niyad jab waana ay ka samraan hadafkii ay dhibta badan usoo mareen oo waxa ay isku dhiibaan meel u dhaw rumawga hadafkaas Isla markaana ayba ka xigtay talaabo kaliya oo u baahnayd in ...