Skip to main content

MAAN GUURSAN WELI WAANAN MASAYR BADANAHAY

• Markaan arko marwadaa la qabee maryo khafiifa kusoo mayrac tagaysa casarkii suuqana dhex meeraysa habeenkii waaban muraaradilaacayaa.

• Markaan arko marwadaa la qaboo moobil wayn dhagta ku haysa Miyirkeeduna meelfog ku maqanyahay waaban muraaradilaacayaa.

• Markaan arko marwadaa la qaboo biilkii tunku kusoo murxay saygeeda ku marsanaysa dawo midabkeeda badalaysa waaban muraaradilaacayaa.

• Markaan arko marwadaa la qaboo madaxeeda banaysoo mijahana kor uga fayday maradii raguna wada milicsanayaan Iyadunamoodayso inay asturantahay waaban muraaradilaacayaa.


Tolow marwadaan guursado maxan ka yeeli doonaa.?


©barkhadhassan

4-July-2020
 

Comments

Post a Comment