Skip to main content

MAXAY NOLOSHU ISKU BADASHAY?

QAYBTA 2AAD
HADALKA

• Hadal badan haan ma buuxsho
• Rag waa raggii hore hadalna waa Intuu yidhi 

Xikmadaha iyo hal ku dhig yada culculus ee laga dhaxlay somalidii hore waa Qaar mug wayn ku leh nolosha iyo dhaqanka Somalida. marka dhaqan salka loo dhigayo Lana qeexayo  waxa lagu so arooriya luuqada hooyo 
Maxaynu inaku uga tagnay luuqada afka somaliga maxa hadal kasta Oo la odhanayo ka qaaday xikmadii 
Hadaynu yara qeexno qaabka ay dhalinyarada somalida  ugu dhaqmaan luuqada afka somaliga 
Waxad ka helaysa erayo iyo hadalo aan ku cajabinayn.

-WaXan kU IdhiH hAlkiH barIgiH aYan rabaH inaN tAgoH
-zxb,Zhp,sxp,shp wxN kU iDhiH bRoH
-zethy bRoH-wAH caLyK brOh 

Waa dhaqamada luuqada ku cusub 
Hadaa suugaan la tirinayo hadaa masrax laga hadlayo hadaa qudbad lajeedinayo majiro maanta hadal xikmadaysan oo lagu hadlayo isla markana baddali kara qof naftiisa amse noloshisa 
Dhibaatoyinka Ugu waawayn ee dhalinyarada haysatana waxay u badanyihin Isku dayasho.
Hebel wuu sameye ana wan samaynayna weeye. Hebel saasu U hadlee ana sasan u hadlaya weeye. 
Maanta somalida dhexdeda hadal nin wayn oo masuul ah ku hadlo iyo mid ilama yaroo caruura ku hadlo waa Isku mid uun Waxaana mesha ka baxay astaamihi Kala leexin lahaa qofka wayn iyo qofka yar 
Luuqadaha caalamka midwalba dalkeeda ayay ku egtahay oo dadkeedu way jecelyihin isbadal kasta Oo dhacana ma guuraan lamana badalo.
Inaka maxaa adduunka ina daba eryaya ee aynu uga cararayna teena? 
Maxaa xikmadii iyo qiimihii ay luuqadenu lahayd lumiyay? Maxaa is Badalay? Maxaa Qofwalba hadal dhamaystiran oo xikmadaysan looga wayay?
Magacii somalinimo ee sharafta iyo qiimaha lahaa ee la inooga tagay luuqadii iyo dhaqankii wanaagsana ee la inooga tagay nolosheenii nolosha caalamka ka duwanayd umadeenii ahayd umadaha ugu islaamnimada dhaw maxa sidan inoo badalay? Aaway UMADII somaliyeed ee milgaha iyo sharafta lahayd. .....?

Lasoco Qaybta 3aad

Comments

Halkan Ka Eeg Wixii Ugu Danbeeyay

HA IS DHIIBIN MARNABA

  Noloshu waxa ay u baahantahay halgan, dhabar adayg iyo adkaysi marwalba oo aad natiijooyinka hadafkaaga usii dhawaatana waxaa badanaya caqabadaha iyo marxaladaha adag ee aad nolosha kala kulmayso isla wakhtigaasna waxaa lagaaga baahanyahay in aad dadaalka sii laba jibaarto oo aanad is dhiibin, raadinta guusha ama rumaynta riyooyinku maaha wax sahlan waxaa dhici karta in aad talaabada koowaadba ku guul darraysato yoolkaaga ama waji kale aad kala kulanto nolosha wakhtigaasina waa marka aad u baahantahay samirka, dulqaadka, awooda iyo dhabar adayga guul darraduna waa jaran jarada aad ku gaadhayso guusha iyo hadafkaaga. Marnaba ha is dhiibin ee halgan si aad u rumayso yoolkaaga iyo riyooyinka aad ku hamminayso in aad rumayso. Dadka qaar marka ay guuldarraystaan waxa ay miciin bidaan calaacal, murugo iyo niyad jab waana ay ka samraan hadafkii ay dhibta badan usoo mareen oo waxa ay isku dhiibaan meel u dhaw rumawga hadafkaas Isla markaana ayba ka xigtay talaabo kaliya oo u baahnayd in ...