Skip to main content

MAXAY NOLOSHU ISKU BADASHAY

Qaybta 3aad
 GUURKA 

Dhaqankenaa islaamnimo iyo dhaqankeena somalinimo Haddii laysku Guursan lahaa duruufaha nolosha may sameeyen kumanaan Dan yar somali ah Wiilal iyo gabdhaba hawo adduun baa la raacay noloshii guurka waxa loo badalay nolol adag oo qofna usoo dhawaan karin guurkii Wuxuu noqday maalmo oo kaliya todobaado oo kaliya bilo oo kaliya Ma guur hawo beena ku dhisan baa qoys laga taagi karaa ma guur karaahiyo ku bilawday ayaa qoys dhisi Kara Ma guur boqolaal dhalinyaro oo Dan yara niyada lagaga jabiyay ayaa qoys dhisi Kara Maxay noloshu Isku badashay? Maxaa guurka Loogu salayn waayay dhaqankeena iyo islaamnimadena? Guurka diintena islaamka waa fudayd markay qeexayso maxaa inaku u adkaynay ugana dhignay wax ay dhalinyaradii kasii yaacan halkay kuso yaaci lahayen? Marka gabadhii tidhaa waxaaso hantiya keen chrowna ha la iigu tumo taajna ha la ii xidho tamashlayna ha la ii saaro nin aan baabuur wadana ma guursanayo. Aaway dhaqankii iyo islaamnimadii aaway guurkii guurkii fududadaa ee ay diinteenu inoo sheegtay ee axaadiistu inoo sheegen ee quraanku inoo sheegay ee rasuulka (scw) inoo sheegay? Maxaa badalay dhaqankeena maynan ahayn umad islaama? Marka wiilkii yidhaa hebelba sidaasu u aroostee ana sidaa ha laygu arooso waalidintii niyad jabeenbe aaway qoyska dhismaya war nolosha guurka ma in maalmo laysla jooga dabdeedna lays Furaa war nolosha guurka ma mid ku Meel gaadhaa ma wax dhayaldhayal ah oo lagu ciyaara aaway milgihii iyo sharaftii somali lahayd ? Maxay noloshu Isku badashay? Dhaqankeena islaamku ma waxa uu tilmamaya in guurka la Isku adkeeyo? miyaad diinta islaamka ku aragtay boqolaal xujo oo la is hordhigayo guurka kahor ? Waa maya.... Somali dhexdeda guurka waxa uu ka noqday wax aan micno lahayn qiimana aan ku fadhiyin noloshii bani aadankana lagu burburinayo. 

 DHAMAAD

©BarkhadHassan

3 February 2019

Comments

Halkan Ka Eeg Wixii Ugu Danbeeyay

HA IS DHIIBIN MARNABA

  Noloshu waxa ay u baahantahay halgan, dhabar adayg iyo adkaysi marwalba oo aad natiijooyinka hadafkaaga usii dhawaatana waxaa badanaya caqabadaha iyo marxaladaha adag ee aad nolosha kala kulmayso isla wakhtigaasna waxaa lagaaga baahanyahay in aad dadaalka sii laba jibaarto oo aanad is dhiibin, raadinta guusha ama rumaynta riyooyinku maaha wax sahlan waxaa dhici karta in aad talaabada koowaadba ku guul darraysato yoolkaaga ama waji kale aad kala kulanto nolosha wakhtigaasina waa marka aad u baahantahay samirka, dulqaadka, awooda iyo dhabar adayga guul darraduna waa jaran jarada aad ku gaadhayso guusha iyo hadafkaaga. Marnaba ha is dhiibin ee halgan si aad u rumayso yoolkaaga iyo riyooyinka aad ku hamminayso in aad rumayso. Dadka qaar marka ay guuldarraystaan waxa ay miciin bidaan calaacal, murugo iyo niyad jab waana ay ka samraan hadafkii ay dhibta badan usoo mareen oo waxa ay isku dhiibaan meel u dhaw rumawga hadafkaas Isla markaana ayba ka xigtay talaabo kaliya oo u baahnayd in ...