Skip to main content

GUUL-DARRADA

Markasta oo aad guuldarraysato ha niyad jabin oo ha quusan ceeb maaha inaad guuldarraysato se waxaa ceeba inaad quusato ama aad kici waydo kufitaanka kadib.

Guuldarradu waa salaan lagu gaadho guusha waa dhiirri galin haddii aad marlabaad isku daydo aad ku guulaysanayso waxaa ugu xun ayaa ah inaad quusato guuldarrada kadib halkaana ay ku baaba'aan rejooyinkii iyo riyooyinkaagii aad u halgamaysay ee aad dartood u guuldarraystay.

-BarkhadHassan

Comments

Post a Comment

Halkan Ka Eeg Wixii Ugu Danbeeyay

HA IS DHIIBIN MARNABA

  Noloshu waxa ay u baahantahay halgan, dhabar adayg iyo adkaysi marwalba oo aad natiijooyinka hadafkaaga usii dhawaatana waxaa badanaya caqabadaha iyo marxaladaha adag ee aad nolosha kala kulmayso isla wakhtigaasna waxaa lagaaga baahanyahay in aad dadaalka sii laba jibaarto oo aanad is dhiibin, raadinta guusha ama rumaynta riyooyinku maaha wax sahlan waxaa dhici karta in aad talaabada koowaadba ku guul darraysato yoolkaaga ama waji kale aad kala kulanto nolosha wakhtigaasina waa marka aad u baahantahay samirka, dulqaadka, awooda iyo dhabar adayga guul darraduna waa jaran jarada aad ku gaadhayso guusha iyo hadafkaaga. Marnaba ha is dhiibin ee halgan si aad u rumayso yoolkaaga iyo riyooyinka aad ku hamminayso in aad rumayso. Dadka qaar marka ay guuldarraystaan waxa ay miciin bidaan calaacal, murugo iyo niyad jab waana ay ka samraan hadafkii ay dhibta badan usoo mareen oo waxa ay isku dhiibaan meel u dhaw rumawga hadafkaas Isla markaana ayba ka xigtay talaabo kaliya oo u baahnayd in ...