Skip to main content

KALSOONIDA


Kalsoonidu waa tiir isku haya laba qof oo kasta iskuna dhaw, kuwa is jecel, kuwa saaxiibada ah, kuwa walaalaha ah iyo laba kasta oo xidhiidh ka dhexeeyo ogow haddii ay dhaawacanto ama kalsoonidaasi burburto waxaa fudud in labadaa qof kala tagaan ama kala fogaadaan ama xidhiidhkii ka dhexeeyay uu go'o wayna adagtahay in dib loosoo celiyo wakhti badanna way qaadanaysa dhisida kalsoonidii burburtay.

Ilaali qofwalba oo xidhiidh idinka dhaxeeyo kalsoonidiina iyo aaminaada dhexdiina taala siyaabo kala duwan ayay u burburi kartaa balse marwalba xooga saar in ay sii jirto kalsoonidaasi waxaa taana fududayn kara labada qof oo daacad isku ahaada, isku calool furnaada, is fahma wixii lasoo gudboonaadana isla xaliya.

Qaar badan oo waxaa jira ku ciyaara kalsoonida dadka daacada ah iyagoo usii maraya xidhiidh nololeed iyo jacayl.

Qaarkale oo waxaa jira sahal ku dhaawaca qalbiyo jecel oo u daacada iyagoo dana gaara leh ogowna marwalba oo aad qof kalsoonidiisa ku ciyaarto in adna markale lagugu ciyaaro waxwalba oo aad gashana waa wax lagaa goynayo, haddii aad qof jacayl la wadaagayso oo qofkaasi ku jeclaado daacad kuu noqdo ku aamino qalbigiisa ku siiyo ha uga faa'idaysan jacaylkaa oo ha dhaawicin kalsoonidana haka dilin.

Kuwayowga xidhiidh nololeed idinka dhexeeyo shaqo, ganacsi, iyo dano kaleba ilaali kalsoonidooda si aan xidhiidh kaasi u burburin.

Marwalba oo aad kalsoonida iyo shakhsiyada qofka ilaaliso waxaa wanaagsanaanaya xidhiidhkiina mar haddii ay kalsoonidu burburtana way adagtahay in dib loosoo celiyo.

-BarkhadHassan


 

Comments

Halkan Ka Eeg Wixii Ugu Danbeeyay

HA IS DHIIBIN MARNABA

  Noloshu waxa ay u baahantahay halgan, dhabar adayg iyo adkaysi marwalba oo aad natiijooyinka hadafkaaga usii dhawaatana waxaa badanaya caqabadaha iyo marxaladaha adag ee aad nolosha kala kulmayso isla wakhtigaasna waxaa lagaaga baahanyahay in aad dadaalka sii laba jibaarto oo aanad is dhiibin, raadinta guusha ama rumaynta riyooyinku maaha wax sahlan waxaa dhici karta in aad talaabada koowaadba ku guul darraysato yoolkaaga ama waji kale aad kala kulanto nolosha wakhtigaasina waa marka aad u baahantahay samirka, dulqaadka, awooda iyo dhabar adayga guul darraduna waa jaran jarada aad ku gaadhayso guusha iyo hadafkaaga. Marnaba ha is dhiibin ee halgan si aad u rumayso yoolkaaga iyo riyooyinka aad ku hamminayso in aad rumayso. Dadka qaar marka ay guuldarraystaan waxa ay miciin bidaan calaacal, murugo iyo niyad jab waana ay ka samraan hadafkii ay dhibta badan usoo mareen oo waxa ay isku dhiibaan meel u dhaw rumawga hadafkaas Isla markaana ayba ka xigtay talaabo kaliya oo u baahnayd in ...