Skip to main content

M U R U G A D A & N I Y A D J A B K A 😔

Murugada waxaa sabab u noqon kara waxyaabo badan in aad guuldarraysato, in ay dhibaato kusoo wejahdo, in dhaawac jacayl aad la kulanto, in wax aad doonaysay ay kuu hagaagi waayaan iyo qaarkaloo badan balse xasuusnow marwalba oo niyad jabkaa iyo murugadaasi kaa muuqdaan oo aad muujiso in ay dadka qaar u qaadanayaan inaad daciif tahay ama bilaa awood ( adkaysi ) oo taasina sababi karto inaad xaalad adag sii gasho.

Marwalba ahaw qof adag oo la tacaala xaaladaha iyo marxaladaha kala duwan ee nolosha kaga yimaada ahaw qof qarsan kara xanuunka gudihiisa ku jira ahaw qof u adkaysan kara marxalad kasta iyo caqabad kasta oo noloshu ku keento waxayna gaashaan kaaga noqonayaan hadalada aan wanaagsanayn iyo waxyaabaha ku niyad jabinaya ee kaaga imaanaya bulshada aad la nooshahay, ogow marwalba oo aad qarsato murugadaada oo aanad tusin ama usoo bandhigin dad aan ku fahmayn inaad awood u yeelanayso ka gudbida marxaladaa iyo dhibaatadaa kuu sababtay murugadu.

Wakhtiyada qaar waxay murugada iyo niyad jabku kugu keeni karaan guuldarro iyo dhaawac noloshaada saameeya waxaana jira dad ka faa'idaysanaya daciifnimadaa kaa muuqata.

Noqo qof waayihiisa laabta ku haysta oo adkaysi iyo dulqaad u leh duruufaha iyo marxaladaha kala duwan ee nolosha kasoo wejaha.

-BarkhadHassan
 

Comments

Halkan Ka Eeg Wixii Ugu Danbeeyay

HA IS DHIIBIN MARNABA

  Noloshu waxa ay u baahantahay halgan, dhabar adayg iyo adkaysi marwalba oo aad natiijooyinka hadafkaaga usii dhawaatana waxaa badanaya caqabadaha iyo marxaladaha adag ee aad nolosha kala kulmayso isla wakhtigaasna waxaa lagaaga baahanyahay in aad dadaalka sii laba jibaarto oo aanad is dhiibin, raadinta guusha ama rumaynta riyooyinku maaha wax sahlan waxaa dhici karta in aad talaabada koowaadba ku guul darraysato yoolkaaga ama waji kale aad kala kulanto nolosha wakhtigaasina waa marka aad u baahantahay samirka, dulqaadka, awooda iyo dhabar adayga guul darraduna waa jaran jarada aad ku gaadhayso guusha iyo hadafkaaga. Marnaba ha is dhiibin ee halgan si aad u rumayso yoolkaaga iyo riyooyinka aad ku hamminayso in aad rumayso. Dadka qaar marka ay guuldarraystaan waxa ay miciin bidaan calaacal, murugo iyo niyad jab waana ay ka samraan hadafkii ay dhibta badan usoo mareen oo waxa ay isku dhiibaan meel u dhaw rumawga hadafkaas Isla markaana ayba ka xigtay talaabo kaliya oo u baahnayd in ...