Skip to main content

5 HADDII AAD KA ADKAATO KUU SAHLAYA INAAD FARXAD & DEGANAAN KU NOOLAATO

 


1- SHANTA SALAADOOD -


 Ku dadaal shanta salaadood in aad ilaaliso oo aad jamaca masjidka kula tukato wakhtigoodana ha dhaafin sidookale isku day in aanay ku dhaafin salaadaha sunayaasha ah kuwa ka horeeya faralka iyo kuwa ka danbeeyaba, ogow marwalba oo aad shanta salaadood ilaaliso masjidka aad gayso wakhtigoodana ilaaliso waxaa imaanaysa in allah raali kaa noqdo culays kasta oo ku haystaa kaa fududaado arrimahaaguna iskugu kaa toosaan taasna waxaa kuugu lammaan farxad iyo qanacsanaan sababtoo ah waxaad dareemaysa in waajibaadkii rabbi aad sidooda u gudatay. Salaadaha shanta ah oo aad masjidka ku ilaaliso wakhtigoodana tukato waxaad ka dhaxlaysa farxad joogto ah murugo la'aan qanacsanaan iyo arsaaqada oo kuu barakowda.


2- XILLI HORE TOOS SUBAXDII


Waxaad maqashaa iyadoo la leeyahay dadka guulaysta waxay kacaan subixii xili hore 4ta ilaa 5ta subaxnimo oo ay hawlahooda maareeyaan sidaa si lamida haddii aad xili hore kacdo waxaa kuu fududaanaysa in danahaaga ka adkaato wakhti hore shaqo tagto dadkuna ku jeclaadaan.

Xiliga hore ee subixii waa wakhtiga la xaqiijiyo hadafyada ugu waawayn nolosha quraanka iyo axaadiistana inbadan ayaa lagaga warramay faa'iidada ay leedahay xili hore oo la kaco.

Subaxa hore marka aad toosto ee aad soo cibaadaysato naftaadu raaxo ayay dareemaysa waxaanad damcaysaa in aad waxyaabo xaqiijiso ileen culays badan iyo caajis iyo hurdo ayaa kaa degaya waanad fududaanaysa, haddii aad rabto inaad wax xiftido subixii ayaa ugu wanaagsan oo maskaxdu wax qabataa, haddii rabto in aad wax diyaariso ama aad wax qorto subixii ayaa ugu wanaagsan markaa isku day inaad xili hore kacdo subixii waxaad helaysaa farxad, firfircooni, deganaan iyo fudayd.


3- DADKA KAA HOOSEEYA EEG MARWALBA


Si aad ugu qanacdo nolosha aad ku nooshahay iyo waxa aad haysato eeg dadka hooseeya ee iyagu ku hamminaya inay mar uun soo gaadhaan heerka aad taagantahay adigu taasi waxay kuu sahlaysa inaad ku qanacdo waxa aad haysato iyo noloshaadaba deganaan iyo farxadna aad dareento.

Haddii aad ka werwerto nolosha oo kugu adkaata iyo duruufaha nolosha waxaa jira dad adiga kaa hooseeya oo mida aad ka cabanayso mid kasii daran ay haysato, ku xamdi oo rabbigaa u mahadnaq kuna dadaal heerka aad taagantahay adoo faraxsan inaad kasii gudubto sababtoo ah waxwalba dadaalkaaga iyo tala saarashada ilaahay ayay ku xidhanyihiin rabbigaa talo saaro dadaal oo ha niyad jabin waad gaadhaysa heerka aad taagantahay heer kasii sareeya.

Marwalbana xasuusnow oo ha iloobin inay jiraan dad kaa hooseeya oo kaa daciifsan oo kaa nolol adag kuwaasi waxay eeganayaan heerka aad taagantahay waxayna rabaan inay kusoo gaadhaan marka aad kuwaa aragto waad qancaysaa waxaanad dareemaysa in allah kuu nimceeyay farxadbaanad ku noolanaysa.


4- BAARRI NOQO OO KA DUCAYSO WAALIDKAA


Baarrinimadu waa wax lagu liibaanay maxaa yeelay hooyo iyo aabo ayaa kuu ducaynaya ducadoodana rabbi wuu kuu aqbalayaa, baarrinimadu waa waxa wadooyin badan oo guula kuu fura noloshana kuu fududeeya rabbina kugu jeclaanayo.

Baarri u noqo waalidkaa oo ka ducayso si aad farxad ugu noolaato ilaahayna raali kaaga noqdo arki maysid nolol kugu adkaata arsaaq kugu yaraata iyo culays midna.

U dabacsanow waalidkaaga hadal wanaagsan marwalba kula hadal la shaqee la faraxsanow hadalkooga maqal oo hadal haku celin waxaad noqonaysa qof noloshiisu kaamil tahay maxaa yeelay nolosheenu waxay kasoo bilaabantaa waalidkeen hooyo iyo aabo oo iyagaa adduunkaba ina bara noloshu waxay tahayna ina tusa horumarkeena ka taliya farxadeena jecel isku day markaa haddii waalidiintaadu noolyihiin oo aad aabo iyo hooyo haysato inaad ka faa'idaysato jaaniskaa oo aad baarri u noqoto haddii ay geeriyoodeena u ducee oo u samafal sadaqaat u bixi waad liibaanaysa farxadna waad ku noolaanaysa iyo deganaan.


5- XAQIIJI WAXYAABO YAR YAR


Xaqiijinta iyo rumaynta riyooyin yaryar oo aad leedahay waxay qayb ka qaadanaysaa inaad hadafkaaga wayn gaadho noloshana werwer la'aan aad ku noolaato maxaa yeelay marwalba oo hawl aad bilawday kaga tagto qabyo waxaa kugusii siyaadaya culays iyo fikir badan deganaan iyo farxadna ma dareemaysid.

Guushu waxay ka bilaabantaa xaqiijinta waxyaabo yaryar guushuna waa waxyaabahaas yaryar oo is biirsaday marwalba oo aad hadaf xaqiijiso waxaa degaya culays iyo fikir waxaanad dareemaysa inaad fududaatay oo aad wax wayn qabatay.

Isku day markasta inaanad yaraysanin xaqiijinta ahdaafta yaryar kana quusanin rajooyinka aad nolosha ka leedahay farxad ayaad ku noolaan doontaa iyo deganaan.


5 Feb 2022

-BarkhadHassan


Comments

Halkan Ka Eeg Wixii Ugu Danbeeyay

HA IS DHIIBIN MARNABA

  Noloshu waxa ay u baahantahay halgan, dhabar adayg iyo adkaysi marwalba oo aad natiijooyinka hadafkaaga usii dhawaatana waxaa badanaya caqabadaha iyo marxaladaha adag ee aad nolosha kala kulmayso isla wakhtigaasna waxaa lagaaga baahanyahay in aad dadaalka sii laba jibaarto oo aanad is dhiibin, raadinta guusha ama rumaynta riyooyinku maaha wax sahlan waxaa dhici karta in aad talaabada koowaadba ku guul darraysato yoolkaaga ama waji kale aad kala kulanto nolosha wakhtigaasina waa marka aad u baahantahay samirka, dulqaadka, awooda iyo dhabar adayga guul darraduna waa jaran jarada aad ku gaadhayso guusha iyo hadafkaaga. Marnaba ha is dhiibin ee halgan si aad u rumayso yoolkaaga iyo riyooyinka aad ku hamminayso in aad rumayso. Dadka qaar marka ay guuldarraystaan waxa ay miciin bidaan calaacal, murugo iyo niyad jab waana ay ka samraan hadafkii ay dhibta badan usoo mareen oo waxa ay isku dhiibaan meel u dhaw rumawga hadafkaas Isla markaana ayba ka xigtay talaabo kaliya oo u baahnayd in ...