Skip to main content

DAYACA WAAJIBAADKA ALLE (SWT)


Waxyaabaha ugu waawayn ee aynu maanta ku garan karno in adduunyadu qalbiyadeena degtay waxaa kamida inaynu ka tagnay oo ilownay waajibaadkii ilaahay ina saaray inakoo ka doorbidnay inaynu fulino waajibaad shakhsiyaad iyo bani aadan ina saareen.

Waajibaadka ilaahay ina saaray ee aynu ka tagnay waa salaadii, cibaadooyinkii iyo caabudidii ilaahay inakuna waxaynu u janjeedhsanay shakhsiyaadka aynu u shaqayno ama hawlo u qabanayno inaynu waajibaadkoodii horaysiino kii rabbina aynu ka tagno. Tusaale - waxaad ka shaqaynaysa meherad shaqadana qof ayaa kuu dhiibtay wuxuuna waajib kaa saaranyahay inaad ilaaliso dayactirto xisaabta ilaaliso si fiican u shaqayso bal kawaran hadaad tidhaa shaqada markaan doono ayaan imanayaa markaan doonana waan iska seexanayaa dee waa lagaa eryi shaqadaa xaqiiqada marka laga hadlana sida ugu wanaagsan ayaad u gudataa ugana soo baxdaa waajibkaa qofkaad u shaqaynaysa ku saaray balse maxaa kuu diiday inaad gudato waajibkii allihii adiga ku abuuray ku saaray oo aad shaqada cibaadada ka horaysiiso Bal salaada aynu ka kala tagayno ee kolba xiligaynu doono tukanayno haddana ilaahay uu kolba jaanis ina siinayo bal qiyaas qof marka aad shaqadaada sifiican u gudan waydo ku odhanaya ii dhaaf oo iiga tag meheradayda iyo allaha ku abuuray ee aad cibaadadiisa marna gudanayso marna ka tagayso ee hadana xiliwalba ku leh addoonkaygiiyow danbi dhaaf i waydiiso ii towbad keen. Qofwalba waxaa salaada dhaafiyay ayuu caabudayay ayay ka dhigantahay.


Sida aynu ugu dadaalayno inaynu shaqooyin fiican qabano si aynu lacag iyo adduun u tacabno aynu ugu dadaalno cibaadada ilaahay siduu ina faray inaynu u gudano si aynu u helno janno.


Waxaa xaqiiqo ah maanta inaynu badideenu casar kii shaqo tagno ogow oo duhur iyo casar inta u dhaxaysa waynu iska yara seexanaa kadib marka aynu soo kacno waxaynu ku degdegnaa shaqada si aynaan uga habsaamin halkaana waxaa inagaga tagta salaadii casar taasina waxay cadaynaysa inaynu waajibaadkii rabbi ilawnay oo shaqadii iyo adduunyadii horaysiinay.


-barkhad hassan

Comments

  1. Saladu waa xadhiga inaga iyo Eebe Naga dhaxeeya, Alle kuwa siidaaya inaga dhigo, mahadsanid wll ❤️

    ReplyDelete

Post a Comment

Halkan Ka Eeg Wixii Ugu Danbeeyay

HA IS DHIIBIN MARNABA

  Noloshu waxa ay u baahantahay halgan, dhabar adayg iyo adkaysi marwalba oo aad natiijooyinka hadafkaaga usii dhawaatana waxaa badanaya caqabadaha iyo marxaladaha adag ee aad nolosha kala kulmayso isla wakhtigaasna waxaa lagaaga baahanyahay in aad dadaalka sii laba jibaarto oo aanad is dhiibin, raadinta guusha ama rumaynta riyooyinku maaha wax sahlan waxaa dhici karta in aad talaabada koowaadba ku guul darraysato yoolkaaga ama waji kale aad kala kulanto nolosha wakhtigaasina waa marka aad u baahantahay samirka, dulqaadka, awooda iyo dhabar adayga guul darraduna waa jaran jarada aad ku gaadhayso guusha iyo hadafkaaga. Marnaba ha is dhiibin ee halgan si aad u rumayso yoolkaaga iyo riyooyinka aad ku hamminayso in aad rumayso. Dadka qaar marka ay guuldarraystaan waxa ay miciin bidaan calaacal, murugo iyo niyad jab waana ay ka samraan hadafkii ay dhibta badan usoo mareen oo waxa ay isku dhiibaan meel u dhaw rumawga hadafkaas Isla markaana ayba ka xigtay talaabo kaliya oo u baahnayd in ...