Skip to main content

Faa’iidooyinka Jimicsiga iyo Dhaqdhaqaaqa Jidhka

 


Jimicsigu waa udub dhexaadka caafimaadka, nolosha wanaagsan iyo maskax fayo qabta. Waxaa si gaar ah muhiim u ah in la sameeyo jimicsi subaxii, gaar ahaan orodka. Orodka subaxdii wuxuu leeyahay saameyn togan oo qoto dheer ku leh nolosha aadanaha sida kor u qaadista caafimaadka, hagaajinta niyadda, iyo kordhinta firfircoonida maalinta oo dhan.

__________________________________

1. ORODKA SUBAXDII: DHAQDHAQAAQ BILAW WANAAGSAN U AH MAALINTA

Orodka subaxii wuxuu jidhka ka caawiyaa inuu si degdeg ah uga kaco hurdada, dhiigguna uu si fiican u wareego. Waxaa jirta in markaad subaxii oroddo jidhkaagu uu si dabiici ah u kordhiyo heerka tamarta, taasoo kaa caawinaysa inaad si firfircooni ku dheehantahay u waajahdo maalintaada.

2. FAA’IIDOOYINKA JIDHKA: WADNAHA, MUQAHA IYO XANUUN YARIDA.

Caafimaadka Wadnaha: Orodku wuxuu hagaajiyaa shaqada wadnaha iyo xididdada dhiigga. Wuxuu yareeyaa halista cudurrada sida macaanka, dhiig-karka, iyo xanuunka wadnaha.

Murqaha iyo Lafaha: Jimicsigu wuxuu xoojiyaa murqaha iyo lafaha, wuxuuna ka hortagaa daalka degdega ah iyo tabar darrida.

Miisaanka Jirka: Orodka joogtada ah wuxuu gubaa kalooriyada jidhka (calories), taasoo ka hortagta cayilka iyo buurnida xad-dhaafka ah.

3. FAA’IIDOOYINKA MASKAXDA: NIYAD WANAAG IYO WELWELKA OO YARAADA.

Markaad oroddo, jirkaagu wuxuu sii daayaa hormoonnada farxadda sida endorphins, taasoo kor u qaadaysa niyadda. Waxay sidoo kale ka hortagtaa welwelka, isku buuqa (stress), iyo niyad jabka.

Orodka subaxii wuxa uu qofka siiyaa dareen degenaansho, kaasoo si toos ah u hagaajiya diiradda, maskaxda furan, iyo awoodda waxqabadkaaga.

4. FAA’IIDOOYINKA BULSHADA IYO XIDHIIDHKA DADKA.

Haddii aad la oroddo saaxiib ama koox, waxaad dhisaysaa xidhiidh wanaagsan, waxaadna ku baranaysaa dulqaad, dhiirigelin iyo wada shaqayn. Bulshooyinka sameeya orodka wadajirka ah waxay leeyihiin caafimaad maskaxeed iyo bulsho oo aad u sarreeya.

5. HAB-NOLOLEED ISBEDDEL KA MUUQDO: BILAW YAR, ISBADDEL WEYN.

Uma baahnid inaad orod dheer bilowdo. Ku bilow socod degdeg ah 10-15 daqiiqo subaxii, kadibna si tartiib ah u kordhi wakhtiga iyo xawaaraha. Muhiimaddu waa joogteynta. Marka jimicsigu kuu noqdo caado, noloshaadu si weyn bay isu beddeli doontaa.

______________________________________

UGU DANBAYN:

Jimicsiga subaxii gaar ahaan orodku waa hadiyadda ugu wanaagsan ee aad naftaada siin karto. Waxay kuu noqonaysaa il caafimaad, farxad, firfircooni iyo nolol tayo leh oo aad ku badhaadho. Subax kasta orod kooban samee, naftaada dhagayso, hana ilaawin in nolosha wanaagsan ay ka bilaabanto talaabo kaliya oo hore loo qaado.

“Jidhkaagu waa gurigaaga oo kale ilaali, sidoo kale ku quudi cunto caafimaad leh kuna dedaal inaad dhaq dhaqaaqdo.”

______________________________________

Written & Prepared by
Barkhad Xasan

Comments

Halkan Ka Eeg Wixii Ugu Danbeeyay

HA IS DHIIBIN MARNABA

  Noloshu waxa ay u baahantahay halgan, dhabar adayg iyo adkaysi marwalba oo aad natiijooyinka hadafkaaga usii dhawaatana waxaa badanaya caqabadaha iyo marxaladaha adag ee aad nolosha kala kulmayso isla wakhtigaasna waxaa lagaaga baahanyahay in aad dadaalka sii laba jibaarto oo aanad is dhiibin, raadinta guusha ama rumaynta riyooyinku maaha wax sahlan waxaa dhici karta in aad talaabada koowaadba ku guul darraysato yoolkaaga ama waji kale aad kala kulanto nolosha wakhtigaasina waa marka aad u baahantahay samirka, dulqaadka, awooda iyo dhabar adayga guul darraduna waa jaran jarada aad ku gaadhayso guusha iyo hadafkaaga. Marnaba ha is dhiibin ee halgan si aad u rumayso yoolkaaga iyo riyooyinka aad ku hamminayso in aad rumayso. Dadka qaar marka ay guuldarraystaan waxa ay miciin bidaan calaacal, murugo iyo niyad jab waana ay ka samraan hadafkii ay dhibta badan usoo mareen oo waxa ay isku dhiibaan meel u dhaw rumawga hadafkaas Isla markaana ayba ka xigtay talaabo kaliya oo u baahnayd in ...