Skip to main content

Posts

Faalladii U Danbaysay

MA MAQASHAY IMAAMKII XADAY LACAGTA?

Sheekadani waxa ay dhacday markii tuulo ku taala dalalka africa mid kamid ah loo raadiyay imaam tukiya jamaca masjidka kadib waxaa la helay imaam kasoo baxay jaamacad islaami ah wayna adkayd in la helo qof aqoontaas iyo cilmigaas diineed leh oo tuulada yimaada masjidkana imaam ka noqda wayna ku yarayd dalalkaas, dadkii tuulada deganaa waxa ay go'aansadeen bilkasta oo ramadaan inta lagu gudo jiro 30-ka ama 29-ka maalmood ee ramadaan in maalinba qoys afuriyo imaamka iyaga oo u muujinaya bani aadantnimo, ixtiraam iyo islaamnimo, waxa ay sidaa ahaataba imaamkuna masjidka uu sifiican uga hawlgali jiray isaga oo casharro diiniya bulshada tuulada baraya, xalqado diiniya masjidka ku bixinaya sidoo kale muxaadarooyin u qabanaya ayaa bishii ramadaan soo gashay waxaana marti qaaday qoyskii ugu horeeyay imaamkuna waa uu u tagay, maalintii xigtayna qoyskale, maalintii sadexaadna qoyskale waxa ay sidaa ahaataba qoys kamida qoysaskii imaamka marti qaaday waxa ku noolaa nin iyo xaaskiisa oo kaliya
Recent posts

9 CAADO OO NOLOSHAADA WAX KA BADALI DOONA

  1- KA KAC HURDADA AROORTII 5 AM Kicista xilli hore aroortii waxa ay la macno tahay in aad ka horayso qofwalba, xilli hore oo aad toostaana waxa ay ku siinaysaa faa'idooyin badan oo aad ku maarayso wakhtigaaga sida in aad samayso jimicsi, in aad dejiso qorshahaaga maalintaas, in aad hore u dhamayso hawlahaaga ganacsi ama shaqooyinkaaga nolol maalmeedka kuu ah iyo in aad wax soosaar naf ahaaneed samayso. Waa dariiqo aad u cajiib badan oo lagu gaadho guulo badan oo adduun iyo aakiro ah. 2- QOR AFKAARTAADA INTA AADAN SEEXAN Qorista afkaartaada inta aadan seexan waxa aad ka helaysaa hurdo wanaagsan oo tayo leh maskax degan iyo caafimaad qab jidheed, hadaba qor waxyaabahan inta aadan seexan amaba hurdada kahor habeenkii. Waxyaabaha iyo goolasha aad barri qabanayso haddii Alle nafta kuu daayo Waxyaabihii aad ku guulaysatay maalintaadii dhamaatay qabashadooda Afkaarta madax xanuunka leh amaba kugu lidka ah si aad uga nasato. Waxa aad heli doontaa maan fayow iyo maskax caafimaad qabta. 3-

BADWAYNTA NOLOSHA

Noloshu waa sida bad-waynta oo kale waxa ay leedahay mawjado dhirbaaxo daran wakhtiyada qaarna aad ku hafanayso, ka dabaalashadeeda iyo ka gudbida mawjadahaa waawayn waxa ay u baahanyihiin geesinimo iyo dhabar adayg haddii aad is dhigato oo aadan ku dhiirrana waa ay kula degaysaa haddiiba aad quustana waa ay adagtahay sida aad uga baxayso, tani waxa ay la macno tahay noloshan aynu ku noolnahay ee inagu qaabilaysa wejiyo kala duwan iyo duruufaha qalafsan ee qofka aan ildheer u lahayn xeeshiisuna yartahay judhaba quus soo istaajinaysa isuna arkayo in uu yahay mid guuldarraystay oo aanay fursado kale u hadhin. Waxaa jira laba dariiq uun oo nolosha loo hab-raaco waa midka koowaade waa dariiqa Allah (swt) kuu jeexay oo diin iyo yaqiin ku dhisan loona baahanyahay in aad noloshaada ku dabaqdo haddii aad ka leexatana aad waayayso dariiqii kale isla markaana aad ku dhex anbanayso bad-waynta nolosha, waa midka labaade waa kan aad adigu jeexatay una soo bandhigaya bulshada iyo adduunkaba in aad q

FAHAMKA IYO LA JAAN QAADIDA DAREENKA

Bulshada iyo dadyawga ku nool koonkan waa ay is bartaan waxaanay sameeyaan xidhiidho kala duwan sida Saaxiibtinimada, Jacaylka iyo Xidhiidhada danaha nololeed sidiisaba xidhiidh kastaaba waxa uu u baahanyahay "Isfaham" xeel dheer oo ay labada qof kuwada jaanqaadi karaan kuna meel marin karaan xidhiidhkooda, iyada oo ay sidaa tahay hadana waxaa jira dad gooniya oo la iskugu talogalay in ay is fahmaan kuna rafiiqaan nolosha dadkaasna waxaa la helaa oo kaliya wakhtiyo gooni ah tani waxa ay muujinaysaa in isfaham la'aantu burburiso xidhiidhada noockastaba ha ahaadeene. Xidhiidhka jacaylku waa midka ugu mudan in uu helo laba is fahmaya islana jaanqaadi kara xaalad walba oo ka hortimaadana ku wajihi kara wadajir iyo is aaminsanaan, haddiiba taasi rumowdo waxaa hubaal ah in ay wadajir ahaanayaan noloshooda inta ka dhiman kuna wada noolaanayaan isfaham, kalgacayl iyo xiise joogto ah waana kuwa inta badan ku guulaysta ka midho dhalinta riyadooda jacayl gaadhsiiyana heer qoys ay ya

HA IS DHIIBIN MARNABA

  Noloshu waxa ay u baahantahay halgan, dhabar adayg iyo adkaysi marwalba oo aad natiijooyinka hadafkaaga usii dhawaatana waxaa badanaya caqabadaha iyo marxaladaha adag ee aad nolosha kala kulmayso isla wakhtigaasna waxaa lagaaga baahanyahay in aad dadaalka sii laba jibaarto oo aanad is dhiibin, raadinta guusha ama rumaynta riyooyinku maaha wax sahlan waxaa dhici karta in aad talaabada koowaadba ku guul darraysato yoolkaaga ama waji kale aad kala kulanto nolosha wakhtigaasina waa marka aad u baahantahay samirka, dulqaadka, awooda iyo dhabar adayga guul darraduna waa jaran jarada aad ku gaadhayso guusha iyo hadafkaaga. Marnaba ha is dhiibin ee halgan si aad u rumayso yoolkaaga iyo riyooyinka aad ku hamminayso in aad rumayso. Dadka qaar marka ay guuldarraystaan waxa ay miciin bidaan calaacal, murugo iyo niyad jab waana ay ka samraan hadafkii ay dhibta badan usoo mareen oo waxa ay isku dhiibaan meel u dhaw rumawga hadafkaas Isla markaana ayba ka xigtay talaabo kaliya oo u baahnayd in ay u

XASUUSAHA NOLOSHA

Dadka qaar marka ay nolosheena kusoo biirayaan kama fekaraan dhamaadka xidhiidhkaas natiijada ka dhalan doonta, laxaw iyo caashaq inta ay qalbiyada ku marin habaabiyaan ayaa ay cidlo kaga tagaan naf iyo ruux u boholyoobaysa una baahan dareenkii lagu abuuray, mararka qaar doorashadu waa ay inaga xumaataa oo dad aan nolosheena dhaxal u ahayn ayaynu isku halaynaa una malaynaa in ay yihiin qaar ilaa dhamaadka nolosha inala soconaya se xaqiiqada ayaa ah in qofwalba xasuus iyo dareen kaaga tagayo, in aynu cidlada iyo murugada u kaliyoono xasuusahana aynu maxbuus u ahaano waa sabab ka timid doorashadii aynu dooranay qof aan nolosheena ku haboonayn amaba se aynu aqbalnay wax aynaan ogayn dhamaadkiisa, wakhtiyada qaar in aad jacaylka iyo dareenka ka waantowdo ayay danta noloshaadu ku jirtaa. Barkhad Hassan

ADIGU HAL-ABUURKA NOQO

  ADIGU HAL-ABUURKA NOQO XIL ISKA SAARIDA ARIMAHA YARYAR WAA XALALKA XADHKAHA NOLOSHA Hilinka iyo hanaanka wacyi galineed ee bulshadenu waa mid u bahan in waqti iyo dedaal dheeri ah la galiyo. Fahanka baladhan, caqliyada salimka ah, maskaxda wanagsan ,aragtida dheer iyo fikirka toolmoon; midkoodna maaha mid uu qofku ku dhasho ,balse waa mid uu ka dhaxlo dadka ,deeganka iyo durufaha ku xeeran.Taas oo ay ugu horayso qoyska uu ilmuhu ka dhasho, iyado kalinta labaad ka ciyaran degaanka iyo goobaha waxbarasho ee uu u soo qalab qaato ka dib barbaarinta qoyska. Waxaynu u baahanahay in aynu xil iska saarno helida arimahan:- 1: Barbaarin Wanagsan :-  Waxa haboon in aynu masuuliyad iska saarno ku tarbiyaynta ubadkena akhlaaq teeda ugu wanagsan waayo guriga waxa laga dhisaa seeska bulsho ama qarana bilawgisu waa badqabka qoyska . 2: Kordhinta garaadka iyo koboca maskaxda :-  Si lamid ah sida uu jidhku ugu bahanyahay cunto iyo biyo ayay maskaxduna ugu baahantahay quud kaaso ah akhris iyo qoraal,ca